Dharkeenleey
Dagmada Dharknley waxa ay lee dahay afar waaxood oo kala aha 1) Saciid hooraaye 2) Xanaano bulsho 3) Dhagax tuur 4) Dhame yaasiin cartan
Dharkeynley iyo wadajir markii hore waxay isla ahaayen hal degmo mar dambe ayaa labo degmo laga kala dhigay. halka xuduudeeda u ah labada degmo ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay wadada xaaji maxamed ee Suuq yare. Degmada Dharkeynley waxaa waqtiyadii dagaalada ay ka socdeen xamar ee itoobiyaanka, ku soo qaxay dad fara badan oo degnaa Magaalada inteeda kale. Beelaha u badan ee dega dagmada waa Shiikhaal iyo abgaal. Degmada Waxay soo martay marxalado kala duwan waxaana lagu tilmaamaa meelaha istaraatiijiga ee ka yaala Xamar. Waagii burburka waxaa maaamuli jiray hogaamiyo kooxeedyo kala duwan sida: Muuse Suudi, Xuseen Caydiid waxaana ka dhici jiray mar mar dagaalo aan sidaa u cusleyn. Xili danbe waxaa xukunkeeda soo maray; Maxkamadaha Islaamiga, Jabhadda Islaamiga. Haddana waxay degmada hoos tagtaa maamulka Gobolka Banaadir ee Soomaaliya. > Xaafadaha Dharkenley Xaafada Ceel dheere, Showriyaha, Dabaqeen, Aabagedo, Kuweyt, Suuq boocle, Quraca waanjeesha, Suuq liif, Xoosh, Buula qaran, Macmacaanka, iyo kuwo kale. > Masaajida ku yaala dharkeenley Masaajido badan ayaa ku yaala degmada sida misaajidka dabaqeyn, uunlaayo, Masjidka Saldhiga Galbeed, Xaaji Maxamed, sh cabdixafiid, Rabi Sali al-nuur, Al- raxma Ceeldheere, Salaam, Macallin nuur,Khaliilu Raxman, > Suuqyada Caanka ee ku yaala dharkeenley Suuq boocle, Suuq yare iyo Suuq liif
• Tabakaayo madoow • Shaneemo Muqdisho • Garaashka macallin nuur • Garaashka xaajigaboow • Tornada cisoow (biyo dageenka) • Xoosh • Exkontrool
• Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Gaheyr) > Laamiyada Waaweyn ee Mara Dharkenley • Jidka Jaale siyaad • Wadada Dharkeynley (dhanka xoosh) • Wadada Afgooye (Dhanka JUS ama Gaheyr) > Dugsiyada Dawlada ee ku yaala Degmada • Dhame yaasiin Cartan • Cali Xuseen • Baarbe > Dugsiyada gaarka ah ee ku yaala degmada • Al-Anwaar • Al-Fariid • Al-Safa • Al-Risala • Abuubakar Sadiiq (Dabaqeyn) • Iqra • Khaddiijo • Halgan iyo Dugsiyo kale oo fara badan > Tartan Aqooneedka degmada dharkeynley Degmada waxay ku guuleysatay tartan aqooneed kii ramadaanka ee 2013 oo ay ku tartamayeen in ka badan 28 degmo oo ka kala yimid gobalada dalka oo dhan. sidoo kalana tartankii ramadaan ee 2020 waxay gashay kaalinta labaad.
Degmada Dharkenley waxay ku fiicanyihiin ciyaaraha isboortiska gaar ahaan kubada Cagta waxaana ay ahaayeen guuleystayaashii 2011 iyo guuleytayaashii sanadkii ugu danbeeyay ee 2020 ee ku guuleystay tartanka degmooyinka G/Banaadir ayagoona ka qaaday degmada Waaberi. Liiska dadka caanka ee degmada dharkenley 1 mohamed haji bakistan sports man 2 liiban indhey. Sports 3 xusen curi. Sport 4 mahad ahmed tagow. Sports 5 caadil xaji gabow. Business man 6 cumar sucuudi. Business man 7 cali abdi qadir. Business 8 cise cadaan business 9 mohamed cumar caadi maamule 10 salax jamac farah geele salax jini 11 fahada farah mohamoud maamule 12. Mohamed yusuf ganey imamka |